Asc, walaalayaal iyo asxaabta Samaan FX,
Anigoo ku hadlaya magaca maamulka iyo macallimiinta Samaan FX Academy, waxaan hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa dhammaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan ardayda iyo bulshada ku xiran mareegtan, munaasabadda bilowga bisha barakaysan ee Ramadaan.
Bishan waa fursad weyn oo aynu ku korin karno nafteena, dhinaca cibaadada iyo dhinaca aqoontaba. Sida aan ogsoonahay, samirka iyo edbinta (discipline) waa labada tiir ee ugu muhiimsan guusha laga gaaro suuqyada caalamiga ah ee Forex, bishan Ramadaanna waxay na baraysaa dhabar-adayg iyo maareynta nafta.
Maxaa Cusub Ramadaanka?
In kasta oo aan ku dhex jirno bishii cibaadada, haddana Samaan FX Academy kama joogsan doonto inay idinla wadaagto:
Falanqaynta Suuqa: Si aad ula socotaan isbeddellada ugu dambeeyay ee lacagaha.
Casharro Kooban: Waxaan soo gelin doonnaa qoraallo aqooneed oo aad akhrisan kartaan xilliyada nasashada ee bishan.
Taageerada Ardayda: Waxaan mar walba diyaar u nahay inaan kaaga jawaabno su'aalahaaga ku saabsan barashada Forex-ka.
Waxaan Eebbe uga baryaynaa inuu naga wada aqblo soonka, salaadda, iyo camalka suuban. Samirka aad hadda muujinaysaan ha idiinku beddelo guul iyo barwaaqo mustaqbalka.
Ramadan Kareem dhammaantiis!
