SAMAAN FX ACADEMY

Professional Forex Education • ICT Concepts

Loading Academy in English...

Casharka 15-aad: Qorshaha Ganacsiga & Maamulka Khatarta — Gaashaanka Badbaadada ee Samaan Trader

 

Hordhac


Ku soo dhawaada casharkii ugu dambeeyey ee Heerka Sare ee koorsada rasmiga ah ee ICT Concepts ee mareegta Samaan FX Academy

Shardiyadii farsamo, xeeladihii saacadaha ku salaysnaa ee Silver Bullet, iyo shaxdii adduunka gilgiltay ee ICT 2022 Mentorship Model dhammaantood hadda weey inoo dhow yihiin oo diyaar ayay inoo yihiin.

Laakiin, halkan waa runta ugu weyn ee ay tahay inaad ka ogaato suuqa Forex: Waxaad baran kartaa dhammaan sirihii ICT, waxaadna garan kartaa dilaac kasta oo uu algorithm-ku sameeyo, laakiin haddii aadan lahayn Qorshe Ganacsi iyo Maamul Khatareed oo adag, waxaad tahay sidii qof wata gaari dheereeya oo aan lahayn Berig (Brakes/Breaks) — dhowaan ama fog weyn ayuu shil geli doonaa.


Maanta ma baran doonno meel cusub oo jaartka ah, laakiin waxaan baran doonnaa sida loo maareeyo nafta (Psychology) iyo sidii loo dhisi lahaa xeerar adag oo xakameeya lacagtaada si aad suuqan ugu jiri karto sanado badan adoo macaash ka sameynaya.


Waa Maxay Qorshaha Ganacsiga (Trading Plan)?

Qorshaha ganacsigu waa xeerar qoran oo qeexaya Goorta, Sida, iyo Sababta aad u furayso ama u xirayso ganacsi kasta. 

Waa dastuurkaaga gaarka ah. Ganacsadaha xirfadlaha ah (Institutional Trader) wuxuu u dhaqmaa sida askari fulinaya amarro horey loogu soo qoray, halka ganacsadaha khamaarka ah (Retail Gambler) uu suuqa galo isagoo raacaya dareenkiisa (Emotions).

Qorshe ganacsi oo dhammaystiran oo ku salaysan ICT Concepts waa inuu ka jawaabaa 4-tan su'aalood:

  1. Waa maxay Daily Bias-kaygu? (Ma waxaan raadinayaa Buy mise Sell?)

  2. Waqti mabaa aan fariisanayaa Jaartka? (London Open mise New York Open Killzones?)

  3. Waa maxay Setup-ka rasmiga ah ee aan rabo? (ICT 2022 Model mise Silver Bullet?)

  4. Ingee in le'eg ayaan halis gelinayaa? (Risk per trade?)



Maamulka Khatarta (Risk Management): Sharciga 1%

Haddii aad leedahay akoon dhowr boqol ama dhowr kun oo doollar ah, sharciga ugu weyn ee Samaan FX Academy ee ay tahay inaad madaxa ku shubato waa: Waligaa hal ganacsi ha ku khamaarin wax ka badan 1% ilaa 2% ee raasamaalkaaga (Account Balance).

Waa maxay sababta sharcigan loo sameeyey? Sababtoo ah suuqu waa unug ku shaqeeya fursado iyo xisaab (Probability). Xitaa xeeladaha ugu kalsoonida sarreeya ee ICT waxay yeelan karaan maalmo ay khasaaraan (Losses).

  • Haddii aad halis geliso 10% ganacsi walba, 5 khasaare oo isku xiga waxay gubayaan 50% akoonkaaga. Si aad meeshii hore ugu soo laabatid waxaad u baahan tahay inaad samayso 100% macaash ah, taas oo ah mid aad u adag.

  • Haddii aad halis geliso 1% ganacsi walba, 5 khasaare oo isku xiga waxay kaa gubayaan kaliya 5%. Raasamaalkaagii intiisa badnaa wuu badbaaday, waxaadna haysataa fursado badan oo aad dib ugu soo kabsato.



Xiriirka Khatarta iyo Faa'iidada (Risk-to-Reward Ratio - R:R)

Mid ka mid ah faa'iidooyinka ugu waaweyn ee isticmaalka ICT Concepts waa inuu ku siinayo meel aad u dhow oo aad Stop Loss-ka dhigato (Aagga Liquidity Sweep-ka ka dib), taas oo ka dhigaysa Risk-to-Reward Ratio (R:R) mid aad u sarreeya.


R:R micnaheedu waa: Ingee in le'eg ayaan halis gelinayaa si aan u helo ingee in le'eg?

Gudaha Samaan FX Academy, marna ha qaadan ganacsi ka yar 1:2 R:R.

Shaxda Guusha ee Ku Salaysan R:R (Math behind Success)

Aynu aragno sida xisaabtu kuugu xaqiijinayso guul, xitaa haddii aad tahay ganacsade khasaara kala bar ganacsiyadiisa (50% Win Rate), adoo isticmaalaya 1:3 R:R:


Tirada GanacsiyadaNatiijada (1:3 R:R)Risk (Halista 1%)Faa'iidada (Macaashka 3%)Net Profit (Wartii ku soo hartay)
5 Ganacsi oo KhasaarayLoss (Khasaare)-$500 (5 x $100)$0-$500
5 Ganacsi oo GuulaystayWin (Guul)$0+$1,500 (5 x $300)+$1,500
Total (10 Ganacsi)50% Win RateKhasaare: -$500Macaash: +$1,500Net: +$1,000 (Macaash baad tahay)

Xaqiiqo Dahabi ah: Sida aad shaxda kor ku aragto, looma baahna inaad 100% saxnaato si aad lacag uga samayso Forex. Waxaad u baahan tahay oo kaliya Maamul Khatareed adag iyo xeelad kuu saamaxaysa R:R sarreeya sida ICT rona oo kale.

 

Dhisidda Dastuurkaaga Ganacsi (My Trading Plan)

Halkan waa nuqul rasmi ah oo aad u guurin karto buuggaaga ganacsiga si aad u noqoto ganacsade nidaamsan:
  • Marxaladda 1-aad: Waqtiga Jaartka: Waxaan jaartka fariisanaa kaliya 8:30 AM ilaa 11:00 AM NY Time (New York AM Killzone). Saacadaha kale ma eego jaartka.

  • Marxaladda 2-aad: Bias-ka: Waxaan eegaa jaartka H4 iyo Daily. Haddii qiimuhu beegsanayo BSL, bias-kaygu waa Bullish. Haddii uu beegsanayo SSL, bias-kaygu waa Bearish.

  • Marxaladda 3-aad: Setup-ka: Waxaan sugayaa kaliya ICT 2022 Model. Waa inuu dhacaa Liquidity Sweep, ka dib MSS oo wadata FVG cad.

  • Marxaladda 4-aad: Maamulka Lacagta: Waxaan halis gelinayaa 1% akoonkayga ganacsi kasta. Hadafkaygu waa ugu yaraan 1:2 ama 1:3 R:R. Marka uu qiimuhu gaaro 1:1, waxaan dhowrayaa booska (Break-even) ama waxaan ka bixinayaa qayb ka mid ah faa'iidada (Partial Profits).

  • Marxaladda 5-aad: Joojinta: Haddii aan lumiyo 2 ganacsi hal maalin gudaheed, waan xiraa kumbuyuutarka, maalintaasna dib uma soo laabto (Daily Loss Limit).



Gunaanad iyo Hambalyo!

Hambalyo weyn! Waxaad si guul leh u dhammaystirtay dhammaan 15-ka Cashar ee Koorsada ICT Concepts ee mareegta Samaan FX Academy.

Waxaad hadda haysataa hubka iyo aqoonta dhabta ah ee ay ku shaqeeyaan hay'adaha maaliyadda ee ugu waaweyn adduunka (Smart Money).

Xusuusnow, aqoontu iyada oo aan tababar iyo dulqaad lahayn waxba ma tarto. Tallaabadaada xigta waa inaad isticmaasho akoon ku-meel-gaar ah (Demo Account) muddo ugu yaraan 3 bilood ah, si aad indhahaaga iyo gacantaada u barto xeerarkan ka hor inta aadan lacagtaada rasmiga ah gelin suuqa.

Comments