SAMAAN FX ACADEMY

Professional Forex Education • ICT Concepts

Loading Academy in English...

Casharka 10aad: Sida Loo Doorto Broker Amni ah iyo Furashada Demo Account

Casharkan tobnaad waa casharka ugu dambeeya ee taxanahan “Forex Basics ee Soomaaliga”. Waxaan kuugu soo gunaanadayaa si aad u fahanto sida loo doorto broker ammaan ah iyo sida loo bilaabo tababarka dhabta ah adigoo isticmaalaya Demo Account. Aan si daacad ah u bilowno.

Maxaa Lagugu Aqoonsadaa Broker La Isku Halayn Karo?

Broker wanaagsan ma aha mid kuu ballan qaadayaa lacag badan oo degdeg ah. Broker la isku halayn karo wuxuu leeyahay astaamo gaar ah:

1. Regulation (Sharciga) Broker-ku waa inuu noqdaa mid regulated (la diiwaan geliyay) hay’ado caalami ah oo lagu kalsoonaan karo sida:

  • FCA (UK)
  • CySEC (Europe)
  • ASIC (Australia)
  • FSA (Japan ama Seychelles)
  • Dubai Financial Services Authority

Digniin: Ha isticmaalin broker-yada aan lahayn regulation ama kuwa kaliya leh “offshore license” oo aan la aamini karin.

2. Spread Yar iyo Commission Cad Broker wanaagsan wuxuu leeyahay spread tartan leh (gaar ahaan Majors sida EUR/USD).

3. Platform Reliable

  • MetaTrader 4 (MT4) ama MetaTrader 5 (MT5)
  • TradingView is dhexgal ah
  • App mobayl oo siman

4. Taageero Macaamiil Degdeg ah Taageero 24/5 oo leh chat toos ah, email, iyo taleefan. Broker wanaagsan wuxuu ku caawiyaa marka aad dhibaato qabtid.

5. Habab Lacag Bixineed Oo Ammaan Ah

  • Bank Transfer, Skrill, Neteller, Perfect Money, ama cryptocurrencies
  • Lacag soo saarid degdeg ah (24-48 saacadood)

6. Ma jiro History ah Dhibaatooyin Ka hubi online (Trustpilot, Forex Peace Army) haddii ay jiraan cabashooyin badan oo ku saabsan lacag la lumin ama xannibaad koonto.

Sida Loo Doorto Broker Ku Habboon

Aniga oo ah macallin, waxaan ardayda kula taliyaa inay doorato broker leh:

  • Regulation laba ama ka badan
  • Spread hoose (1-2 pips EUR/USD)
  • Minimum deposit yar ($50 ama ka yar)
  • Leverage ilaa 1:200 (ha ka badin haddii aad cusub tahay)
  • Demo Account bilaash ah oo aan xad lahayn

Broker-yada aan hadda kula taliyo ardayda Soomaaliyeed (2026): Exness, XM, IC Markets, Pepperstone, iyo FBS (haddii ay regulated yihiin).

Sida Lo Furo Demo Account (Tallaabo Tallaabo)

Tallaabada 1: Door broker aad dooratay oo tag boggooda rasmiga ah.

Tallaabada 2: Riix “Open Account” ama “Register” oo buuxi macluumaadkaaga (magac, email, taleefan, dalka).

Tallaabada 3: Xaqiiji email-kaaga.

Tallaabada 4: Door “Demo Account” (ma aha Real Account).

Tallaabada 5: Dooro:

  • Platform: MT5
  • Lacagta koontada: USD
  • Lacagta demo: $10,000 ama inta aad rabto
  • Leverage: 1:100 ama 1:200

Tallaabada 6: Soo deji MetaTrader 5 App ama PC oo soo gal xogta demo.

Hadda waxaad bilaabi kartaa inaad ku dhowrto casharadii aad soo baratay.

Sheeko Gaaban Oo Ka Timid Khibraddayda

Markii aan bilaabay 2020, waxaan isticmaalay broker aan regulation lahayn. Lacag yar ayaan galiyay, laakiin markii aan doonayay inaan lacag soo saaro, waxay ii sheegeen inay xannibeen koontada. Waxaan lumiyay $250. Ka dib waxaan u wareegay broker regulated, waxaana bilaabay inaan isticmaalo Demo Account 4 bilood ka hor inta aanan live u gelin. Taasi waxay i badbaadisay lacag badan.

Talooyin Muhiim ah ka dib 10-ka Cashar

  • Ha geli lacag dhab ah ilaa aad ugu yaraan 2-3 bilood ku guuleysatay demo account.
  • Ku bilow Micro Lot oo keliya.
  • Had iyo jeer isticmaal Stop Loss.
  • Qor Trading Journal maalin kasta.
  • Ha joojin barashada – Forex waa safar dheer.

Gunaanad Taxanaha 10-ka Cashar

Saaxiib, waxaan halkan ku soo gunaanadaynaa taxanahan 10-ka cashar ee Forex Basics. Haddii aad si taxadar leh u akhriday oo aad ku dhowday, waxaad hadda haysataa aasaas adag oo ku filan inaad si kalsooni leh u bilowdo ganacsiga Forex.

Xusuusnow: 90% ganacsatada cusub waxay luminayaan lacagtooda sababtoo ah degdeg iyo aan barasho. Kuwa guuleysta waa kuwa samir leh, edbinta leh, oo had iyo jeer baranaya.

Hadda tallaabada xigta waa adiga: Fur Demo Account maanta, ku dhowr casharadii aad soo baratay, oo u diyaar garow safarka ganacsiga.

Haddii aad wax su’aal ah qabtid ama aad rabto inaad ku biirto Samaan Fx Academy si aad u hesho casharro dheeraad ah, iyo tababarro toos ah, igala soo xiriir Qeybta Contact Us.

Waad ku mahadsan tahay inaad ila soo raacday ilaa halkan. Guul iyo barwaaqo kuu rajeynayaa safarkaaga Forex!

Adam Samaan Macallin & Milkiile – Samaan Fx Academy Trader khibrad leh ilaa 2020

Comments