SAMAAN FX ACADEMY

Professional Forex Education • ICT Concepts

Loading Academy in English...

Casharka 1-aad: Waa Maxay ICT Concepts? Hordhaca Smart Money iyo Liquidity

 

Hordhac


Haddii aad muddo dhow ama muddo dheer ku dhex jirtay suuqa Forex, waxaa hubaal ah inaad maqalshay khubaro ku celcelinaya ereyada dhiiri-gelinta leh ee "ICT Concepts" ama "Smart Money Concepts". 


Malaha adiguba waxaad horay u soo tijaabisay tilmaamayaasha caanka ah (Indicators) sida RSI, MACD, ama algorithms-ka ku dhisman xariijimaha taageerada iyo caabbinta (Support and Resistance), laakiin waxaad ogaatay in inta badan ee aad xariijin jiiddo, suuqu uu thub u soo thabo dhanka khasaarahaaga (Stop Loss).


Halkan waa meesha uu ku dhashay nidaamka ICT (Inner Circle Trader), oo uu sameeyay khabiirka weyn ee Michael J. Huddleston. 


ICT maahan nidaam tilmaamayaal lagu xiro shaashadda; waa falsafad iyo aragti si qoto dheer u sharraxaysa Sida uu suuqu dhab ahaan u shaqeeyo


Waxay ku tusaysaa in suuqu aanu ahayn meel ay ku hardamaan iibsadayaal iyo iibiyayaal iska caad ah, balse uu yahay nidaam algorithm ah oo ay maamulaan bangiyada dhexe iyo hay'adaha maaliyadeed ee waaweyn (kuwaas oo loo yaqaan Smart Money).



Waa Maxay Algorithms-ka Suuqa (IPDA)?


Mid ka mid ah tiirarka ugu waaweyn ee ICT Concepts waa fahamka nidaamka


 loo yaqaan IPDA (Interbank Price Delivery Algorithm)


ICT wuxuu aaminsan yahay in dhaqdhaqaaqa qiimaha (Price Action) aanu ahayn mid ku yimaada fawdo ama nasiib, balse uu yahay nidaam kombuyuutar oo loo qorsheeyay inuu qiimaha geeyo meelo gaar ah oo cayiman.


IPDA wuxuu leeyahay labo hadaf oo kaliya oo uu maalin kasta u shaqeeyo:


  1. Inuu raadiyo Liquidity (Xisaab-lacageed): Inuu aado meelaha ay ku furan yihiin dalabaadka ugu badan ee Stop Loss-ka ah si uu u liqo.

  2. Inuu isku dheellitiro qiimaha (Fair Value): Inuu dib ugu laabto meelihii uu si degdeg ah uga tegay si uu u buuxiyo daldaloolada qiimaha (Inneficiences).


Haddaba, si aan suuqan ugu guulaysano, waa inaan u fashilaa sidii qof ka tirsan "Inner Circle" ama kooxda reer dambeeyaha ah, halkii aan ka fikiri lahayn sida dilaaliinta yaryar (Retail Traders).



Tiirka Koowaad: Waa Maxay Liquidity (Xisaab-lacageed)?


Haddii aad rabto inaad fahamto ICT, waa inaad marka hore barataa ereyga Liquidity


Si fudud haddii loo dhigo, Liquidity waa Lacag. Suuqa Forex dhexdiisa, lacagtu waxay ku jirtaa qaab Stop Losses iyo Pending Orders (Buy Stops & Sell Stops) oo ay dhigteen ganasatada yaryar.


Bangiyada waaweyn (Smart Money) marka ay rabaan inay iibsadaan balaayiin doollar oo lacag ah, waxay u baahan yihiin qof ka iibiya. Si ay taasi u dhacdo, waa inay qiimaha u kaxeeyaan meel ay yaallaan Stop Losses badan si ay u helaan dalabaad ka soo horjeeda oo ay ku fushadaan ganacsigooda.


ICT dhexdiisa, Liquidity waxa loo qaybiyaa labo nooc oo waaweyn oo aad u muhiim ah:


1. BuySide Liquidity (BSL)


Tani waa lacagta taal ka sarreeya dhibcaha ugu sarreeya ee qiimaha (Old Highs ama Equal Highs). Ganatada isticmaala nidaamka caadiga ah waxay badanaa amarka iibinta (Sell) ka furaan agagaarka Resistance-ka, ayadoo Stop Loss-koodu uu yaallo in yar ka sarreeya dhibicdaas kor ku taal.

Algorithm-ka suuqu wuxuu sameeyaa inuu qiimaha kor u rixo, isagoo jebinaya xariijintii Resistance-ka si uu u taabto (u liqo) Stop Losses-kii oolaa. Marka uu intaas sameeyo ka dib, ayuu suuqu Dib ugu soo dhacaa dhanka hoose.


2. SellSide Liquidity (SSL)


Tani waa lacagta taal ka hooseeya dhibcaha ugu hooseeya ee qiimaha (Old Lows ama Equal Lows). Ganatada caadiga ah waxay amarka iibsashada (Buy) ka furaan Support-ka, ayadoo Stop Loss-koodu uu yaallo ka hooseeya dhibicdaas hoose.


Suuqu wuxuu hoos u jebiyaa Support-ka si uu u reebo ama u gubo dadkii iibsiga sameeyay, marka uu SSL-ka qaato ka dib ayuu si xooggan kor ugu kacaa.


Xeerka Dahabiga ah ee ICT: "Haddii aadan garan karin meesha ay Liquidity-du taal suuqa dhexdiisa... adiga ayaa ah Liquidity-da la doonayo!"

 

Sida ay u Wada Shaqeeyaan Smart Money iyo Retail Traders


Si aad u aragto farqiga weyn, ka firi shaxdan hoose oo ku tusaysa sida labada dhinac ay u arkaan hal dhibic oo suuqa ka mid ah:



Nooca GanasadahaWaxa ay arkaan marka qiimuhu gaaro Double Top (Equal Highs)Waxa ay sameeyaanNatiijada
Retail Traders (Cadi)Waa Strong Resistance, suuqu kor uma dhaafi karo.Waxay furaan Sell Trade, Stop Loss-kana kor ayay dhigaan.Waa la gubaa (Stop Out) marka qiimuhu kor u dhaafo.
Smart Money (ICT)Waa BuySide Liquidity (BSL), lacag badan ayaa taal kor.Waxay sugaan in qiimuhu kor u dhaafo si uu u liqo lacagta, ka dibna wey Sell-gareeyaan.Waxay ka faa'iidaan hoos u dhaca weyn ee suuqa.


Gunaanad iyo Maxaa Inoo Gole Ah?


Kani waa aasaaskii u horreeyay ee koorsadeenna. Waxaan durbadiiba baran weyday in suuqgu aanu u dhaqmin sidii buugaagta caadiga ah ee Forex lagu bartay, balse uu yahay mid u ugaarta meelaha lacagta urursan tahay (Liquidity).

Comments