Waa Maxay Forex Trading?
Forex Trading waa ganacsiga lagu kala iibsado lacagaha kala duwan ee adduunka. Suuqa Forex waa suuqa maaliyadeed ee ugu weyn adduunka, halkaas oo maalin kasta lagu kala iibsado lacag ka badan $6 trillion.
Forex waxaa lagu kala iibsadaa currency pairs sida:
-
EUR/USD
-
GBP/USD
-
USD/JPY
Tusaale ahaan, haddii aad iibsanayso EUR/USD, waxaad iibsanaysaa Euro adigoo ka iibinaya US Dollar.
Sidee Ayuu U Shaqeeyaa Suuqa Forex?
Suuqa Forex wuxuu ku shaqeeyaa mabda’a supply and demand (baahi iyo dalab).
Qiimaha lacagaha wuxuu isbedelaa marka:
-
Dhaqaalaha waddan uu xoogeysto
-
Warar dhaqaale soo baxaan
-
Siyaasad ama dagaal dhacaan
-
Bangiyada dhexe beddelaan interest rate
Tusaale ahaan haddii dhaqaalaha Mareykanka xoog yeesho, US Dollar wuxuu noqdaa mid xoog badan.
Waa Maxay Currency Pair?
Currency Pair waa laba lacagood oo la isku barbar dhigo.
Tusaale:
EUR/USD = 1.1000
Taasi waxay ka dhigan tahay:
1 Euro = 1.10 US Dollar
Currency pairs waxaa loo qaybiyaa 3 qaybood:
1. Major Pairs
Kuwa ugu badan ee la traded gareeyo.
Tusaale:
-
EUR/USD
-
GBP/USD
-
USD/JPY
2. Minor Pairs
Pairs aan lahayn USD.
Tusaale:
-
EUR/GBP
-
EUR/AUD
3. Exotic Pairs
Pairs leh lacagaha wadamada soo koraya.
Tusaale:
-
USD/TRY
-
USD/ZAR
Waa Maxay Pip?
Pip waa unit-ka ugu yar ee qiimaha Forex uu ku dhaqaaqo.
Tusaale:
EUR/USD
1.1000 → 1.1001
Isbedelkaas waa 1 pip.
Pips waa sida trader-ku u cabbiro faa’iidada ama khasaaraha.
Waa Maxay Lot Size?
Lot size waa cabbirka trade-ka aad furayso.
Noocyada lot size:
-
Standard Lot = 100,000 units
-
Mini Lot = 10,000 units
-
Micro Lot = 1,000 units
Bilowga waxaa fiican inaad isticmaasho micro lot si aad u yareyso risk-ka.
Faa’iidooyinka Suuqa Forex
Forex trading wuxuu leeyahay faa’iidooyin badan sida:
✔ Suuqa wuxuu shaqeeyaa 24 saac maalintii
✔ Waa suuqa ugu weyn maaliyadda adduunka
✔ Waxaad ka ganacsan kartaa meel kasta
✔ Waxaad ku bilaabi kartaa lacag yar
Sababtaas awgeed traders badan oo caalamka ah ayaa doorta Forex.
Khataraha Forex Trading
Inkasta oo Forex faa’iido badan leeyahay, sidoo kale wuxuu leeyahay khataro.
Khataraha ugu waaweyn waxaa ka mid ah:
-
Loss haddii risk management la isticmaalin
-
Overtrading
-
Trading aan lahayn strategy
Trader kasta waa inuu isticmaalaa risk management si uu u ilaaliyo capital-kiisa.
Talooyin Muhiim u ah Bilowga
Haddii aad rabto inaad noqoto trader guuleysta:
-
Baro Forex si qoto dheer
-
Isticmaal demo account marka hore
-
Ha risk gareyn lacag badan hal trade
-
Samee trading plan
-
Baro technical analysis iyo fundamental analysis
Gunaanad
Forex trading waa fursad weyn oo qof kasta u ogolaan karta inuu ka faa’iidaysto isbeddelka lacagaha adduunka. Si kastaba ha ahaatee, guusha Forex waxay ku xirantahay aqoon, sabir, iyo risk management.
Haddii aad si sax ah u barato Forex, waxaad si tartiib ah u dhisi kartaa xirfad trading oo guuleysta.